Sunday 20 April 2014

Sarakiciddii Ciise, halleluuya, halleluuya, halleluuya!




Sabtida markii la dhaafay, aroortii ee maalinta ugu horraysa ee Sabtida kaddib, Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale waxay u yimaadeen inay xabaashii eegaan. Haddaba, bal eeg, dhulgariir weyn ayaa dhacay! Waayo, malaa’igta Rabbiga ayaa intay samada ka soo degtay oo soo dhowaatay, ayay dhagaxii dilindilleysay, oo weliba waa ku dul fadhiisatay. Oo muqaalkeeduna wuxuu ahaa sida hillaaca oo kale, dharkeeduna wuxuu u caddaa sida barafka oo kale. Kuwii ilaalada ahaana cabsi iyada ka qabeen darteed ayay la gariireen, waxayna noqdeen sida dad dhintay oo kale. Balse malaa’igtii iyadoo jawaabaysa, waxay dumarkii ku tiri: ‘Waa inaydaan baqin, waayo, waxaan ogahay inaad raadinaysaan Ciisihii saliibka lagu qodbay. Isagu halkan ma joogo, waayo, waa sarakacay, siduu yiri. Bal kaalaya oo eega meeshuu yiillay. Haddaba intaad dhaqsi u baxdaan, u soo sheega xertiisii inuu kuwii dhintay ka soo sarakacay, iyo inuu imminka Galili idinka hortagayo; halkaas ayaad isaga ku arki doontaan. Bal ogaada, waan idiin sheegayee.’ ”-Matayos 28:1-7


Boqoradda jannadooy (xilliga Baska)

Reyree, boqoradda jannadooy, halleluuya.

Waayo kii aad istaahishey in aad siddo, halleluuya,

wuu sarakacay siduu ballanqaaday, halleluuya.

Ilaah noo bari, halleluuya.

+ Reyree oo farax Maryan cadradeey, halleluuya.
- Waayo runtii Rabbigu wuu sarakacay, halleluuya.

AAN TUKANNO: Ilaahoow, adigoo sarakicidda Inankaaga, Rabbigeenna Ciise Masiix, kaga farxiyey dunida; noo oggolow, waa ku baryeynaa, in hooyadiis Maryan oo cadrad ah awgeed, aannu gaarno farxadda nolosha daa’imiska ah.  Masiixa Rabbigeenna fadligiisa.Aamiin.

Sharafi ha u ahaato Aabbaha, iyo Wiilka, iyo Ruuxa Qudduska; siday horraantii ahayd, hadda u tahay, weligeedna ha u ahaato. Aamiin. (seddax goor)

1 comment: