Sunday 13 April 2014

Hoosanna ha u ahaato ina Daa’uud!



Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen oo ay Beytfaaje, oo xagga Buur Saytuun ah, galeen, markaas Ciise ayaa laba xer ah diray isagoo ku leh: ‘Taga tuulada idinka soo horjeedda, durba waxaad arki doontaan dameer xiran, iyo qayl la jooga; soo fura oo ii wada keena. Haddii mid uun wax idinku yiraahdo, waxaad ku oran doontaan: Rabbiga ayaa u baahan, oo durba wuu soo diri doonaa.’ 
Haddaba waxyaalahan oo dhan waa ay dhaceen, si ay u fulaan wixii nebiga lagu sheegay, isagoo leh: ‘Gabadha Siyoon u sheega: bal eeg, boqorkaagu waa kuu imaanayaa, isagoo camal qabow, oo fuushan dameer uu la jiro qayl ka dhashay dameer la rarto.’ 
Markaas xertii ayaa baxday oo yeeleen sidii Ciise ku amray, oo waxay Ciise u keeneen dameerkii iyo qaylkii; markaasay dharkoodii dusha ka saareen, wuuna ku dul fadhiistay. Dad farabbadan dharkoodii ayay jidka ku gogleen; qaar kalena geedaha ayay laamo ka soo gooyeen oo waxay ku firdhiyeen jidka. Dadkii badnaa oo horsocday iyo kuwii dabasocdayba waxay ku qaylinayeen, iyagoo leh: ‘Hoosanna ha u ahaato ina Daa’uud! Waxaa barakaysan kan magaca Rabbiga ku yimaada! Hoosanna ha ka yeerto meesha ugu sarraysa!’”- Matayos 21: 1-9

 

No comments:

Post a Comment