Friday 5 July 2013

Important Catholic Prayers in Somali

The Apostles' Creed/ Waxaan rumeysanahay Eebbe:

Waxaan rumeysanahay Eebbe, Aabbaha Qaadirka ah, 
ee uumay samada iyo dhulka. 

Iyo Ciise Masiix, oo ah wiilkiisa madiga ah, Sayidkeenna, oo Ruuxa Quduuska ah laga uureystay, oo uu ka dhashay Maryan oo cadrad ah, oo uu ku hoos silcay Bontiyos Bilatos, 
oo saliibka lagu qodbay, oo uu geeriyooday lana aasay. 

Galay cadaabka, oo maalintii saddexaad ka soo sarekacay dhimashadii, loona dheelmiyay samada, oo uu fadhiyo Eebbe midigtiisa, oo ah Aabbaha Qaadirka ah, oo halkaasuu ka imaan doonaa inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba. 

Waxaan rumeysanahay Ruuxa Quduuska, kaniisadda Masiixa ee quduusan, kullanka awliyada, 
cafiska dembiyada, sarakicida jidhka, iyo nolosha weligeed ah. Aamiin.

The Our Father/ Aabbahayaga jannada ju jirow:

Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu qoduus ha ahaado. Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu  yeelo sida jannada loogu yeelo. Kibis maalin nagu filan, maanta na sii. Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan. Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.

The Hail Mary/ Ad'an ku salamei Maryamei:

Ad'an ku salamei Maryamei, karamad bad ka buhda Ilah ba ku la joga dumar o dan ada u barakadeisan o midka urka ga ku jira o barakadeisan wa 'Isa. 
Maryam aulied'ei Ilah Hoya disei no bari annaga dembigaleh, iminka iyo sa ada dimasha dayada. Amin.


No comments:

Post a Comment