Sunday 2 March 2014

Salaamidda Maryan





Waan ku salaamayaa, Maryaneey, karaamad baa kaa buuxda, Ilaah baa kula jira; dumar oo dhan adaa ugu barakaysan, waxaana barakaysan miraha uurkaaga, Ciise Masiix. Maryan awliyadeey, Ilaah hooyadiiseey, noo tuko, annagoo dembilowyaal ah, hadda iyo wakhtiga dhimashadayada. Aamiin.




Hooyadey, Maryaneey, Hooyada Masiixa iyo hooyadeenna, hooyada udgooneey, hooyada qurxooneey, hooyada hanuunsaneey, waxaad hibo u leedahay jeceyl iyo wanaag aad adduunka oo dhan ku fidisee; waxaad hanti u leedahay hoygii Ilaaheen iyo hadalkiisa nolosha weligeedee; ubaxa jannada carfiya oo sanuuntiisu na saaqdayeey; gargaarka kuwa gaajeysan iyo garabka kuwa dulmaneey; hooyoy macaaneey hoos ii soo eeg oo maanta hawkar iyo dhibaato ha igaga tegine, hoggaami dadkeyga si ay ku gaaraan hillaaca nabadda Masiixa, Wiilkaaga, iyo ballanqaadka nolosha ee Aabbaha.   Aamiin.






Tukashadii Awli Barnaard
Xusuuso, cadrad barakaysan Maryaneey, in aan weligeed la sheegin, in qof adiga kugu soo cararay, kaalmadaada baryey, magan kuweydiistey, oo kugu hungoobey.  Anigoo taas ku kalsoon, adaan kuu soo roorayaa, hooyooy, cadradda ugu daahirsaneey.  Adaan kuu imaanayaa, anigoo dembi badan leh, oo si calaacal leh hortaada u jilba-joogsanaya, si aad iigu naxariisato.  Hooyada Ereygooy, ha yaraysan baryadayda, laakiinse naxariistaada iiga aqbal.  Aamiin.

Kitaab Tukasho

3 comments:

  1. It is good to read this prayers, the Somali language sounds as beautiful as ever with this prayers. Thank you for educating us and helping the people of my country, God Bless the Catholic church. Aamiin.

    ReplyDelete
    Replies
    1. God bless you too, please continue to pray for Somalia and for the Catholic Church in this land. Thank you for your encouragment and support. RCMS

      Delete
    2. Good morning everybody.
      Someone please knows who painted the wonderful picture of Mary (as a Somalian, black woman) with the small Jesus there was (now is destroyed) in the Church of the Sacred Heart of jesus in Mogadiscio? I only know it was a
      Somalian artist. As well, I would like to know if that picture has a specific name (for example: 'Mary of...'), or it is just a general represntation of Mary.

      Thanks a lot for your help!

      Delete