Ilaahaygiyoow,
waxaan qoomamaynayaa, kana tiiraanyoonayaa dhammaan dembiyadeyda, waayo dartood
baan ciqaab kaaga mutaystay; waxaa iiga sii daran in aan ku xumeeyey adiga oo
ah wanaagga aan dhammaaneyn istaahilana in wax walba adiga lagaa jeclaado. Anigoo
kaashanaya gargaarkaaga quddusan, waxaan goostay in aanan mar dambe ku xumeyn,
kana cararo fursad kasta oo i dambaajineysa. Rabbiyoow, ii naxariiso ina cafi.
Rabbiyoow, noo
naxariiso!
Masiixoow, noo
naxariiso!
Rabbi Ciisoow,
Ilaaha nool Wiilkiisoow, ii naxariiso anigoo dembilow ah.